Maxay yihiin dabeecadaha guuleystayaashu?


Dabeecadaha guuleystayaashu wey badan yihiin, weyna kala duwan yihiin, balse kuwan soo socdaa waa qaar ka mid ah:


1. Hawl-qabad la xadiday.


Wax kasta ma kari kartid inaad qabatid , kumana ahaan kartid guuleyste.

Waa inaad go'aamisaa waxa aad si wacan u qaban karto, si aad u ahaatid mid ku wanaagsan shaygaa oo aan lagaga dabadhufan.


2. Waa kuwo tayo leh. 


Waxa ay leeyihiin hal'abuur, doonis xooggan , dhiiranaan, rajo wanaagsan , kalsooni iyo nidaam khuseeya aayaha dambe( future-oriented)


3. Caddaaladda ayay door ka ciyaaraan.


Ahow iibiye, waardiye, shaqaale ama saaxiib, dadka guuleystayaashu cid kasta waxa ay ula dhaqmaan si siman.


4. Doonis xooggan.


Waa kuwo rabitaan leh, waxa ayna jecel yihiin inay si adag u shaqeeyaan oo ay guuleystaan.


5. Waxa ay garanayaan, wax la mooggan yahay!


Sida aad u taqaan waxa aad ku wanaagsan tahay(strengts), waxa kasii muhiimsan inaad taqaanid waxa aanad ku wanaagsanaan ama dhaliilahaaga( weaknesses)


6. Ula dhaqan waqtiga sida lacagta!


Haa, waa run in uu waqtigu la mid yahay lacagta; taasi waa sababta dadka guuleystaa ay waqtiga si caqligal leh u maalgashadaan!


7. Waa kuwo diyaar u ah caawin.


Waa kuwo horumarka jecel, dadka kalena u oggol inay horumar gaadhaan. U fududee dadka inay caawimo ka soo gaadho; noqo mid gacan-qabta dadka.


8. Waaya-arag ku ah rogrogida.


Rogrogida iyo in wax la indha-indheeyo, Waxa ay fududeysaa nolosha. Qof kasta Waa inuu sameeyo marar noloshiisa ka mid ah.


Comments

Post a Comment